Home Champions League Real Madrid Oo Guul 3-0 Ka Gaartay Kooxda Apoel, Iyo Cristiano Ronaldo...

Real Madrid Oo Guul 3-0 Ka Gaartay Kooxda Apoel, Iyo Cristiano Ronaldo Oo Labo Gool Dhaliyay.

220
0
SHARE

Kooxda difaacanaysa koobkan dhegaha weyn ee Champions League ee Real Madrid, ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda Apoel, ka dib markii ay ku cuntay 3-0.

Cristiano Ronaldo ayaana goolka garoonka u furay kooxda Minankooda lagu ciyaarayay ee Los Blancos, daqiiqadii 12aad kubad fiican uu ka helay Bale ayuu shabaqa cusjiyay.

Real Madrid ayaa cadaadis badan saaraysay goolka kooxda Apoel, balse qeybta hore waxay ku dhamaatay goolkaas oo ay Real Madrid ku hogaaminayso.

qeybta labaad marka leskugu soo noqday, Real Madrid ayaa fursado badan abuurtay,

daqiiqadii 51aad Ronaldo ayaa goolka labaad u dhaliyay , waxayna ahayd gool rigoore ah

61 daqiiqo markay socotay Sergio Ramos ayaa gool qurux badan oo maqas ah u dhaliyay kooxda Real Madrid.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Real Madrid.