Home Barcelona Qaar Kamid Ah Maamulka Kooxda Barcelona Oo Wada Mooshin La Doonayo In...

Qaar Kamid Ah Maamulka Kooxda Barcelona Oo Wada Mooshin La Doonayo In Xilka Lagaga Qaado Madaxweyne….

521
0
SHARE

Waxaa soconaya dadalaadii ugu dambeeyay iyo Ollalihii ugu dambeeyay ee loogu jiro in xilka laga tuuro Madaxwyenaha waqti xaadirkaan ee Barcelona, Josep Maria Bartomeu, kaasoo lagu eedeynayo in uusan meelo fiican gaarsiinin sanadihii ugu dambeysay.

Mooshin ayaa wuxuu haatan yahay mid la diyaarinayo iyadoona ninka Mooshinkaan wada ee lagu magacaabo Augusti Benedito, uu sheegay in haatan ay heleen Saxiixa in ka badan 16,570, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay ku dhawaad Laba kun oo kale.

“Hadii ay soo buuxsanto Tirada loo baahan yahay, wuxuu iscalisi doonaa Bartomeu, isla Bishaan, waan shaqeyn doonaan waliba si adag ayaan shaqada u qaban doonaan, waxaan shaqeyn doonaa waqtiyo badan,” ayuu hadalkiisa kusii daray Benedito.

“Waxaan dooneynaan in ugu yaraan Bishaan dhamaadeeda gaara ahaan September 27, aan helno saxiixyo badan, waxaan rabnaa in bisha soo socota ee October, gaar ahaan 2-dana, aan xilka ka tuurno Odeyga,” ayuu usheegay Wariyaasha Ninkaan.