Home Suuqa Kala Iibsiga PSG oo waayi doonta Draxler, Di Maria iyo Moura suuqa Janaayo, yey...

PSG oo waayi doonta Draxler, Di Maria iyo Moura suuqa Janaayo, yey u doonatay Beddelladooda?

549
0
SHARE

Julian Draxler, Angel Di Maria iyo Lucas Moura ayaa la rumeysanyahay in ay ka wada tegi doonaan Paris Saint-Germain marka ay furanto daaqadda kala iibsiga bisha January, sida ay warar sheegayaan.

Naadiga Ligue 1 ayaa qiimihii ugu badnaa kusoo iibsatay Neymar iyo Kylian Mbappe waxayna suuragal tahay in ay ciqaab kala kulanto golaha Dhaqaala wanaagga Kubadda cagta.

Sida uu warinayo wargeyska Spain ee Mundo Deportivo, goolhaye Kevin Trapp iyo boos dhexaad Javier Pastore ayaa ku biiri kara iyaguna xiddigaha tegaya.

Neymar wuxuu ka tegay Barcelona si uu ugu biiro PSG waxaana lagu qaatay qiimaha ugu badan ee laacib lagu iibsado oo ah £198milyan, halka Les Parisiens ay isku dayeen in ay £166m kula saxiixdaan Mbappe oo ay xagaaga dambe lacagtaas ka bixin doonaan.

Wiilkan oo 18-jir ah ayaa hadda wuxuu ka hor imaanayaa kooxdiisii Monaco, oo sanad Amaah ah ku dhiibtay isaga, isagoo labadii kulan ee ugu dambeysay mid walba gool dhalinayay.

Halka laacibka dalka Brazil uu isaguna si weyn uga soo dhex ifay kubadda cagta ee Faransiiska  wuxuuna dhaliyay 5 gool shantiisii kulan ee ugu horreysay dhammaan tartamada.

Tani waxay ku hoggaamineysaa Di Maria, Draxler iyo Lucas in aysan fursad ka heli Karin garoonka Parc des Princes.

Arsenal ayaa si weyn ula dhacsan Draxler, oo ku fashilmay maalinta suuq xiranka in uu u wareego laacibka dalka Germanya ayaana isaguba doonaya horyaalka England oo sidoo kale Liverpool, Chelsea iyo Man Utd dhammaantood mar lala xiriirinayay.