Home Champions League Official: Jose Mourinho ayaa labo ciyaar yahan ku daray kooxdiisa Man United...

Official: Jose Mourinho ayaa labo ciyaar yahan ku daray kooxdiisa Man United ee Champions League-ga

492
0
SHARE
Da’yarada Manchester United Demetri Mitchell iyo Kieran O’Hara ayaa lagu daray ciyaartoyda kooxda ee Champions League-ga.

Mitchell, oo 20 sanno jir ah, ayaa saftay kulankiisii ​​ugu horeysay ee xilli ciyaareedka  Ciyaar Man Utd 2-0 ugu awood sheegatay Crystal Palace,

Goolhayaha O’Hara, ayaa weli  weli Sugaya in uu u ciyaarayo kooxda koowaad ee United, laakiin 21 jirkaan ayaa keydka fadhiyay, iyadoo Mitchell uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay United kulankii Palace bishii May.

Labadan Xidig ee Mitchell iyo O’Hara ayaa ku jiray  kooxda MUN B ka dib markii Mourinho uu magacaabay 25ka ciyaaryahan ee xilli ciyaareedkan Champions League-ga .

Joel Pereira, Axel Tuanzebe, Scott McTominay iyo Marcus Rashford ayaa sidoo kale ku jira MUN B, waxaana loo wici karaa wakhti kasta.

Naadiyada waxay xaq u leeyihiin inay diiwaan galiyaan tiro aan xadidnayn oo ciyaartoy ah oo ka mid ah Kooxdooda B inta lagu guda jiro xilliga xagaaga.