Home Suuqa Kala Iibsiga Man United & AC Milan Oo Ku Loolamaya Saxiixa Da`yarka Roma Mirko...

Man United & AC Milan Oo Ku Loolamaya Saxiixa Da`yarka Roma Mirko Antonucci.

249
0
SHARE

Manchester United ayaa isku dayaysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka da’da yar ee kooxda Roma Mirko Antonucci.

18-jirkan waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda da’yarta ah ee Roma.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaan wali u ciyaarin kooxda koowaad ee Roma.

United, Inter Milan, AC Milan iyo Lazio ayaa dhamaantood isha ku haya ciyaaryahanka.

United ayaa laga yaabaa inay wadahadalo qandaraas ah kula soo saxiixato Antonucci bisha Janaayo, iyagoo si xor ah xagaaga suuqa kala iibsiga u qaadanaya.

Waxay ku qasbanaan lahaayeen inay bixiyaan qarashka magdhowga Roma madaama uu ka yar yahay 24 jir