Home Suuqa Kala Iibsiga Louis Saha Oo Ugu Baaqay Mourinho Inuu Lasoo Saxiixdo Labo Ciyaaryahan Oo...

Louis Saha Oo Ugu Baaqay Mourinho Inuu Lasoo Saxiixdo Labo Ciyaaryahan Oo Muhiim Ah?

669
0
SHARE

Weeraryahankii hore ee Manchester United Louis Saha ayaa ku booriyay Jose Mourinho inuu diirada u saaro weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang iyo daafaca Real Madrid Raphael Varane xagaaga soo aadan.

Aubameyang ayaa udub dhexaad u ahaa Dortmund tan iyo markii uu ka yimid Saint Etienne sannadkii 2013, isagoo dhaliyay 126 gool 195 kulan uu saftay tartamada oo dhan.

Varane ayaa Madrid kusoo biiray sanadkii 2011kii, waxaana uu u saftay Los Blancos 192 kulan. tababaraha reer Portugal ayaa isku dayay marar badan inuu lasoo saxiixdo daafaca Madrid.

Saha, horaantii todobaadkan ayuu ugu booriyay 54-jirkan in uu udhaqaaqo labada nin ee suuqa kala iibsiga sanadka soo aadan.