Home Suuqa Kala Iibsiga Kooxda Manchester United Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddiga Kooxda Bayern Munich Ee

Kooxda Manchester United Oo Ku Dhaw Saxiixa Xiddiga Kooxda Bayern Munich Ee

574
0
SHARE

Waregyska The Sun ayaa daabacay in kooxda Manchester United ku dhawdahay saxiixa Thomas Muller.

Xiddigaha reer jermal ayaa go’aan ku gaaray in kooxda uu kusoo bar baaray uu isaga tago kadib markii tababare Carlo Ancellotti laacibkaan boos joogto ah siin waayay.

Warbixin la isku haleen karo oo ay The Sun soo daabacday ayaa lagu sheegay Thomas Muller inuu garoonka Old Traffrord imaan doono marka uu xili cayaareedkan soo dhamaado.

Thomas Muller kaliya hal kulan ayuu 90-daqiiqo Bayern xili cayaareedkan u cayaaray wuxuuna tababare Ancelotti marwalbo ka hormariyaa James Rodriguez oo xagaagii dhawaa Bayern kaga soo biiray kooxda Real Madrid.

Man United ayaa ku kalsoon in xagaaga dambe Thomas Muller qiimo jaban ku heli karto inkastoo kooxaha Chelsea, Inter Milan, Liverpool iyo Real Madrid sidoo kalena saxiixa xidigaan xiiseenayaan.