Home Wararka Maanta Kim Jong-un haddii uu taageero Man Utd, Osama Bin Laden, Mugabe, Gaddafi,...

Kim Jong-un haddii uu taageero Man Utd, Osama Bin Laden, Mugabe, Gaddafi, Hitler iyo Siyaasiyiin kale oo la Ogaaday kooxaha ay taageersanaayeen “The Sun”

1792
0
SHARE

Kasoo billow Josef Stalin ilaa Osama Bin Laden, hoggaamiyeyaal iyo Siyaasiyiin waaweyn oo kala taageerayay kooxo kubadda cagta oo dunida ka kala dhisan.

Horraantii toddobaadkan ayaa la shaaciyay kooxda uu taageero North Korea hoggaamiyaheeda Kim Jong-un kaasoo u sacbiya kooxda Manchester United.

Saaxiibkiis u dhow ayaa u xaqiijiyay SunSport in uu daawado badi ciyaaraha kooxda United haddii uusan howl u heyn Qarankiisa.

Haddaba halkan waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa 9 qof oo kale oo caan ah una badan Siyaasiyiin oo taageera kooxo kubadda cagta ah…

ROBERT MUGABE – Chelsea

ZIMBABWEAN kaligii taliyaha hoggaamiya Mugabe ayaa taageere weyn u ah kooxda England ka dhisan ee Chelsea, sidoo kale wuxuu ku nastaa mararka qaar Barcelona, On watching football, Mugabe, hadda waa 93-jir, wuxuu mar yiri: ‘Waan ku raacsanahay waana daawadaa, balse anigu waxaan ahay Chelsea iyo Barcelona taageeraheeda had iyo goor.’

OSAMA BIN LADEN – Arsenal

Ka hor inta uusan hoggaamiye u noqon koox Argagixiso oo aad loo raadinayo, Bin Laden wuxuu taageere weyn u ahaa Arsenal, waqti badan ayuu taajirka reer Sucuudi kula qaatay Ubadkiisa London, isagoo geyn jiray agagaarka Highbury – ubadkiisa ugana soo iibin jiray waxyaabaha ay ku ciyaaraan.

COLONEL GADDAFI – Liverpool

Intii uu joogay talada dalka Libya, wuxuu ahaa taageere Liverpool FC xataa wuxuu isku deyay in uu iibsado dhowr mar, wiilkiisa Al-Saadi, ayaa sidoo kale soo noqday laacib weyn oo kubadda cagta ah ka hor inta uusan noqon Agaasime kooxda Juventus u shaqeeyay, halkaas oo uu si xooggan u maalgeliyay, waxaa sheegis mudan in wiilka la dhashay ee isaga ka yare e reer Gaddafi uu mar isku deyay in uu la wareego milkiyadda Reds.

JOSEF STALIN – Dynamo Moscow

DYNAMO MOSCOW waxaa aas aasay KGB macallinkoodii Lavrentiy Beria… ma jirin cadaadis la saari karay xiddigaha, waxaana taasi ay qasabtay in ay kasbadaan taageerada hoggaamiye Stalin, xaqiiqdii keddib markii Midowgii Soofiyeet ee USSR ay khasaare kala kulmeen Yuogslavia sanadkii 1952 ciyaaraha Olympic Games-ka, wuxuu ku dhawaaqay in la burburiyo CSKA Moscow… maddaama ay qaranka xulka Soofiyeetka metelayay badankood ka yimideen kooxdaas.

IDI AMIN – Hayes FC

UGANDA kaligii taliyihii heysan jiray ee Amin wuxuu sabab u ahaa dhimashada dad ka badan 500,000 intii uu xukunka xoog ku heystay, balse Amin ayaa 15 sano ku bixiyay ka mid ahaanshada ciidanka Britain… markaas wuxuu taageersanaa Hayes FC – taasoo hadda loo yaqaan Hayes iyo Yeading FC keddib 2007 oo la mideeyay labadaas kooxood.

GENERAL FRANCO – Real Madrid

FRANCO ayaa lagu xasuusan doonaa mar uun dalka Spain oo uu ka mid ahaa kaligii taliyeyaashii Yurub soo maray, balse wuxuu wada jeclaa kooxaha magaalada Madrid, ee Atletico ilaa Real Madrid, kaligii taliyaha ayaa taageeri jiray horraan Los Rojiblancos, ka hor inta aysan taariikhda Koobka Yurub meel ku qoran Los Blancos oo uu u wareegay.

RADOVAN KARADZIC – Inter Milan

Tan iyo intii uu dhacayay Kacdoonkii Romania sanadkii 1989, ciidanka meletariga ah ayaa talada heystay, waxay ka mid aheyd kooxaha ugu fiican Yurub Steaua Bucharest, kaligigii taliyihii Ceausescu wuxuu jecleysiiyay taageerayaal badan kooxdan… wuxuu saameyn ku lahaa suuqa kala iibsiga ee kooxdaas wuxuu ku qasbay xiddigo uu ka mid ahaa Gheorghe Hagi in aysan kooxo kale u ciyaari Karin kooxda ayaa ku guuleysaneysay markaas Romania horyaalkeeda 6-sano oo xiriir ah… ka hor inta aysan la tegin koobka European Cup sanadkii 1986-dii.

ADOLF HITLER – Schalke*

Waxaa mar la wariyay in hoggaamiyihii Nazi-ga ee Hitler uu taageeri jiray Schalke, intii ay heysteen taageeradiisa kooxda Gelsenkirchen kooxda ayaa qaadday 6 mar horyaalka, si waliba 2008-dii, Schalke madaxeeda Gerd Voss – ayaa beeniyay in ay wax ka jiraan in ninkaas uu kooxdooda taageeri jiray ama uu guulaha isagu gaarsiiyay.

HOOS KA AQRI WARQADDA AGAASIMAHA.