Home Wararka Maanta Iker Casillas oo Barbareey Rikoodh Uu Ryan Giggs Ka Heystay Champios League...

Iker Casillas oo Barbareey Rikoodh Uu Ryan Giggs Ka Heystay Champios League Muxuu Ahaa

559
0
SHARE

Goolhayihii hore ee kooxda kubada Cagta Real Madrid hadana ah Goolhayaha kooxda FC Porto Iker Casillas ayaa xalay lasinmay Rikoorkii koobka Horyaalada yurub ee uu dhigay Xiddigii Manchester United ee Ryan Giggs.

Iker Casillas ayaa xalay saftay Xili Cayaareedkii 19 aad ee koobka UEFA Champions League waxaana sidaas oo kale horay u dheeley Cayaaryahan Ryan Giggs oo hada Cayaaraha kafariistay.

Cayaaryahanka dalka Spain ayaa kulankiisii koowaad ee koobka Horyaalada ah u Saftay Real Madrid 15 kii bishii September Sanadkii 1999 Cayaar ay lacayaareen kooxda Olympiakos Waxaana uu dheelayey wixii intaa kadanbeeyey oo laga joogo 19 Xili Cayaareed.

Casillas ayaa saftay kulankiisii 169 aad oo Champions League ah halka Ryan Giggs uu Cayaaray 151 kulan intii uusan Cayaraha kafariisan.

Kabtankii kooxda AC Milan Paolo Maldini ayaa ah kan ugu Safashada badan koobabka qaarada yurub isaga oo Cayaaray 174 Cayaarood waxaa kuxiga Xavi Barcelona oo dheeley 173 halka Iker Casillas uu yahay kan 3 aad waxaana uu Cayaaray 172.