Home Wararka Maanta Hordhaca Kulanka: Watford Vs Man City, Kooxda Sky Blue Oo Booqanaysa Vicarage...

Hordhaca Kulanka: Watford Vs Man City, Kooxda Sky Blue Oo Booqanaysa Vicarage Road & Waxyaabaha Laga Filan Karo Kulankan.

454
0
SHARE

KULANKA: WATFORD VS MAN CITY

GAROONKA: Vicarage Road

WAQTIGA: 5:00

 

Kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ee Man City ayaa galabta booqanaysa kooxda ku ciyaarta garoonka Vicarage Road ee Watford.

Man City oo qaab wacan ku jirta, oo labo ciyaarood dhalisay 9 gool, ayaa mar kale dooneysa inay guul gaarto.

Watford
kooxda Watford ayaa qaab ciyaareed fiican ku furtay xilli ciyaareedkan waxay hadda ku jiraan kaalinta 4aad iyagoo leh 8 dhibcood,
kulankoodii ugu dambeeyay waxay 2-0 kaga badiyeen kooxda Southampton.
macalinka Watford Marco Silva ayaa qudhiisa doonaya inuu garoonkiisa guul kaga gaaro kooxda City si uu culeeyska ugu sii badiyo kooxaha sare.
Burnley 4tii kulan ee furitaanka horyaalka 2 ka mid ah ayee guul gaaren halka labo kulan ay bar baro galeen.
kooxda waxaa shabaqeeda lasoo taabtay 3 jeer, halka ay dhalisay 7 jeer.

Man City

Kooxda Manchester City kulankeedii ugu dambeeyay ee horyaalka waxay 5-0 ku xasuuqday kooxda Liverpool, waxayna galabta isha ku heeysa inay sii wadato guulaheeda.
Macalin Pep iyo ciyaalkiisa ayaa raba inay kooxda Watford ay marsiiyan, wadadii ay marsiiyen kooxaha Fayenoord iyo Liverpool, oo ay goolal badan ku xasuuqen.

City kulankan waxaa ka maqan Vincent Kompany oo ah qalbul difaaca kooxda.
City afartii kulan ee furitaanka horyaalka 3 ka mid ah waay guuleysten, hal jeer barbaro ayee galeen.

City ayaa laga dhaliya keliya 2 gool, halka iyaduna ay dhalisay 10 gool.

Yaa Maqan ? Yaase Jooga?

Raheem Sterling ayaa la filaya inuu soo laabto kulankan ka dib ganaaxi kulankii Bournemouth.
sidoo kale wiilashooda cusub Kyle Walker iyo Benjamin Mendy ayaa la filaya inay kusoo biloowdan shaxda kooxda,

dhanka kale kooxda Watford waxaa ka maqan Miguel Britos, sidoo kale ay dhaawac ku seegayan Younes Kaboul, Cathacar iyo Sebastian Prodi,
sidoo kale Roberto Pereyra iyo Troy Deeney ayaa la filaya inay kusoo biloowdan.

Shaxda Macquulka ah:

Watford:
Gomes; Femenia, Mariappa, Kabasele, Holebas; Doucoure, Chalobah; Carrillo, Cleverly, Richarlison; Gray

Manchester Cityp:
Ederson; Stones, Otamendi, Danilo; Walker, De Bruyne, Fernandinho, Silva, Mendy; Jesus, Aguero