Home Wararka Maanta Falanqeynta kulanka kooxaha Getave Vs Barcelona iyo wax kastoo ku saabsan kulankaan

Falanqeynta kulanka kooxaha Getave Vs Barcelona iyo wax kastoo ku saabsan kulankaan

347
0
SHARE

kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen Juventus kulankii Champions League ee isbuucaan,
Barcelona ayaa rajeyneysa inay markeedii shanaad oo xiriira guulaysato xilli ciyaareedkan marka ay booqato Getafe kulan ka tirsan horyaalka La Liga maanta.

Barcelona ayaa dhamaan badisay sadexdii kulan ee la ciyaaray laliga
Waxa ay garaaceen Betis, Alaves iyo Espanyol , iyagoo hogaanka ku haya sagaal dhibcood seddexdii kulan ee ay ciyaareen.

Guushii ugu danbeysay ee ay barcelona ka gaarto laliga waxa ay aheyd 5-0 oo ay ku garaaceen kooxda dariska la ah ee espanyol , taasoo la micno ah in Barcelona ay sagaal gool ka dhalisay horyaalka Primera Division.

Ciyaarta:- Getafe V Barcelona

Garoonka:- Coliseum Alfonso Pérez

Saacada:- 17:15 East Africa

Chanal:- bein sport 3

Tabiyaha:-ra’uuf khaliif.

Wararka labada koox

dhinaca Barcelona Rafinha ayaa weli dhaawac ku maqan mana ciyaari doono kulankaan Arda Turan , aleix vidal iyo Paco Alcacer ayaa sidoo kale laga soo tagay kulankaan,
tababare Ernesto Valverde ma jiraan xiddigo ka ganaaxan kulankaan ay la leeyihiin Getafe.

Jordi Alba iyo Gerard Pique ayaa labadoodaba la na siin karaa, iyadoo Lucas Digne iyo Javier Mascherano ay badali karaan, halka Paulinho uu u muuqdo inuu ku soo bilaaban doono kulankiisii ​​ugu horeeyay,
si lamid ah Ousmane Demebele ayaa laga yaabaa inuu kuso bilowdo kulankiisii ​​ugu horeeyay ee La Liga ka dib markii uu ku soo bilowday kulankii hore ee Juventus ee champions league isago la midoobi doona leo messi iyo luis suares.

dhinaca Getafe wax sasa kama maqna kulankaan
Dani Pacheco iyo Nico Gorosito ayaana lagu wadaa inay dhaawaca ku seegaan kulankaan.

markii u danbeysay ee kooxda getafe ka adkaato kooxda Barcelona waxa ay aheyd 2011 ciyaar ku dhamaatay 1 – 0

shaxda suurto galka ah ee labada koox

Getafe:-  Guiata; Suarez, Dakonam, Cala, Antunes; Bergara, Arambarri; Shibasaki, Fajr, Ndiaye; Molina.

Barcelona:- Ter Stegen; Semedo, Mascherano, Umtiti, Digne; Roberto, Busquets, Paulinho; Dembele, Messi, L. Suarez.