Home Arsenal Falanqeynta: Arsenal Vs Köln- Wax Walba Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Caawa..

Falanqeynta: Arsenal Vs Köln- Wax Walba Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Caawa..

357
0
SHARE

Kooxda kubda cagta Arsenal ayaa ciyaari doonta kulankii ugu horeeyay ee ciyaaraha khamiistii ee Europe League.

Naadiga Arsenal ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Koln kulanka ugu horeeyay wareega Group ka tartanka Europe League.

kooxda Gunners ayaa ku dhameysatay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, taasoo la micno ah inay seegtay booska Horyaalka qaarada yurub ee Champions League.

Kooxda jarmalka ka dhisan ee Koln ayaa sidoo kale ku dhameysatay kaalinta shanaad xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay Group H kuwada jiraan kooxaha Arsenal, BATE Borisov iyo Red Star Belgrade.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal: Ospina; Holding, Mustafi, Monreal; Bellerin, Kolasinac, Elneny, Wilshere; Nelson, Giroud, Sanchez.

Koln:T. Horn; Hector, Heintz, Mere, Klunter; Jojic, Risse, Lehmann, Bittencourt; Cordoba, Osako.

Garoonka: Emirates Stadium

Saacada: 10: 05 PM