Home Wararka Maanta David Ospina Goolhaya Kooxda Arsenal Oo Walaashis Ka Shiftay In Ay Xiriir...

David Ospina Goolhaya Kooxda Arsenal Oo Walaashis Ka Shiftay In Ay Xiriir La Leedahay Xiddig Ka Tirsan Kooxda Bayern Munich

358
0
SHARE

Laacibka kooxda kubada cagta ee Real Madrid James Rodriguez oo haatan amaah ugu ciyaara Naadiga Bayern Munich ayaa la ogaaday sida ay qoyskiisa sameyn ugu yeelatay inuu u dhaqaaqo horyaalka dalka jarmalka ee Budusliga.

Gabadha model-ka caanka ku ah ee Daniela Ospina oo mar u dhaxday James Rodriguez ayaa sharaxaad ka bixisay sida qoys ahaan uu u sameeyay in James u dhaqaaqo dalka Germany.

Daniela oo 24 jir ah, ayaa ah walaasha goolhayaha labaad ee Naadiga Arsenal iyo qaranka Colombia ee David Ospina.

Daniela, oo sidoo kale gancasi leh waxay tiri: “Ma aanan dooneynin inaan u safro Jarmalka sababtoo ah waxaan doonayay inaan sii wado ganacsiga Colombia iyo Spain.

Waxay intaas ku dartay: “James Rodriguez wuxuu go’aansaday inuu u dhaqaaqo kooxda Bayern Munich si uu shaqadiisa mustaqbalka kaga sii wato.

Waxay ahayd arin adag oo murugo leh, laakiin waxaanu ku guuleysanay horumar aad u ballaaran iyo daganaansho inaan sameyno.

“Waxaan dooneynaa inaan ilaalino ilmaheena maxaa yeelay markii aan go’aansanay inaan heysano waxay aheyd masuuliyad buuxda.

“Iyadoo aan loo eegin waxyaabihii naga dhexeeyay iyo dagaalkii hore, hadda midkeen midka kale wuu ixtiraamaa ayay tiri gabadhaan.

Ospina iyo Rodriguez waxay leeyihiin hal gabar, welina si rasmi ah uguma dhawaaqin in ay kala tageen, laakiin xiriirka ka dhaxeya ma wanaagsana.

www.Cayaraha.com Kala Soco Wararka Cayaraaha Kuwooda Ugu Danbeeyay