Home Champions League C Ranoldo Oo Ka Hadlay Sababta Uu Labo Gool Ugu Furtay Champions...

C Ranoldo Oo Ka Hadlay Sababta Uu Labo Gool Ugu Furtay Champions League – Sirta Ka Danbeysa Ogoow..

688
0
SHARE

Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Real Madrid ayaa isku dayaya inay markii seddexaad oo isku xigta kuguuleystaan ​​Champions League ka dib guushii ay ka gaareen kooxda yar ee apoel.

Xiddiga haysta abaal marinta Ballon d’Or Ronaldo ayaa laba gool u dhaliyey kooxdiisa Real Madrid ciyaar 3-0 lagu garacay naadiga APOEl oo ka dhacday Santiago Bernabeu,
Ronaldo ayaa sii dheeraystay rikoorka laacibka ugu golasha badan champions league isagoo gaaray 107 goal,
Ronaldo iyo Real Madrid ayaana si adag uga dhex muuqanaya tartamada yurub.

Tan iyo maalintii ganaax shan kulan ah garka loo galiyay kadib markii uu riixay garsooraha ciyaar ka tirsaneyd Supercopa de Espana, Ronaldo ayaa dib u soo laabtay isagoo xiran maaliyada kooxda real madrid.

Ronaldo oo ka hadlayay hadii ay ku guulaysankaraan markii sadexaad oo isku xigta champion league “Dabcan waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano tartanka horyaalka yurub, Champions League waa tartanka Real Madrid, waxaana dooneynaa inaan ku guuleysano” ” ayuu Ronaldo u sheegay website-ka UEFA.