Home Barcelona Barcelona oo January dib ugu laabanaysa soo qaadashada ciyaaryahan ay horay iskaga...

Barcelona oo January dib ugu laabanaysa soo qaadashada ciyaaryahan ay horay iskaga diiday

357
0
SHARE

Inkastoo Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kubada cagta uu xirmay,
Hadana xanta suuqa kala iibsiga ayaa ah mid aan xirmin iyadoo durba la bilabay xan ku aadan laacibiinta lala soo wareegayo suuqa kala iibsiga bisha January.

Wararka ka imaanaya gobolka catalonia ayaa sheegaya in Barcelona ay ku soo laaban doonto doonisteeda saxiixa qadka dhexe ee kooxda Nice Jean Seri.

Bishii hore ayay aheyd markii Barcelona ay heshiis kala gaartay kooxda Faransiiska ah ee Nice ciyaryahanka khadka dhexe ee u dhashay ivory coast jean seri iyagoo diyaar u ahaa inay bixiyaan lacagta lagu burburin karo heshiiska oo dhameyd £40m , laakiin kooxda Barcelona ayaa markii danbe ka baxday heshiiska sababo aan la garanayn.

Barcelona oo la dhibaatoonasa inay hesho badalka andes iniesta ,
Ayaa isku dayday inay kusoo kordhiso kooxdooda khadka dhexe ee Liverpool coutinho, laakin kooxda Liverpool oo ku adkeysatay inaysan fasaxeyn ciyaartoygaan isagoo sido kale u saftay UCL kooxda Liverpool,

Sidaa daraadeed kooxda Barcelona ayaa u muuqata inay go’aansatay inay u dhaqaaqdo jean seri , waxaana la rajeynayaa inay mar kale weerarto kooxda Faransiiska bisha Janaayo.