Home Wararka Maanta Barcelona oo iska fasixi doonta hal ciyaaryahan keensanaysana mid kale suuqa January

Barcelona oo iska fasixi doonta hal ciyaaryahan keensanaysana mid kale suuqa January

384
0
SHARE

Barcelona ayaa qorsheyneysa in Arda Turan uu ka huleelo isagoo u dhaqaaqi doona Shiinaha iyadoo Jean Michael Seri uu ka bedelayo Nou Camp.

Seri, oo 26 sanno jir ah, ayaa ku dhawaa inuu ku biiro Barcelona intii lagu jiray suuqa kala iibsiga ee xagaagii lasoo dhaafay, markaaso ay Barcelona ka baxday heshiiskii ay la gashay kooxda nice sababo aan la garaneyn,
wargeysyada kasoo baxa wadanka spain ayaana fahansan in kooxda Barcelona mar labaad u dhaqaaqi doonto soo qaadashada xiddigaan heerka caalami ee ivory coast.

Wargeysyadaan ayaana ku adkeysanaya in Barcelona ay dooneyso inay Seri la soo wareegto bisha Janaayo, lakiin waxa ay intaas ku dareen in Turan “fasaxiisa” ay ku xirantahay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Ivory Coast dhameystiro riyadiisa ah inuu ku biiro kooxda horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa arda turan kala soo wareegtay kooxda athletico madrid labo sano ka hor,
kooxda Barcelona ayaana diyaar u aheyn inay sii haysato 30 jirkaan,
Sport ayaa sheegeysa in Barcelona ay rajeyneyso Turan inuu u dhaqaaqi doono China ee Bariga Dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Wargeyska Isbaanishka ayaa sheegaya in Barcelona ay si toosa ugu badali doonto booskaas ciyaaryahayn seri oo lagu qiimeeyo £40m.