Home Suuqa Kala Iibsiga Alan shearer Liverpool waqtigan uu Klopp wato kama wanaagsana middii Brendan Rodgers!!

Alan shearer Liverpool waqtigan uu Klopp wato kama wanaagsana middii Brendan Rodgers!!

248
0
SHARE

Alan Shearer ayaa ku adkeystay in aysan Liverpool oo waqtigan oo hoggaaminayo Jurgen Klopp ka wanaagsaneyn xilligii uu watay tababare Brendan Rodgers.

Waxaa uu eedeeyay habka difaac ee liita iyo Burnley goosheeda oo aysan wax fiican ka sameyn kulankii Sabtiga ee 1-1 ay ku galeen Anfield, sidaas oo kale ayey Sevilla ugu garab dhaceen Champions League.

Rodgers waxaa raacdeysay Liverpool bishii October 2015-kii, keddib markii uu guuleystay 1 mar oo ka mid ah 9 kulan oo xiriir ah – waxaana uu lumiyay dhibcihii ugu badnaa.

Shearer, waa gooldhaliyihii ugu sarreeyay taariikhda Premier League, wuxuu sheegay in ay soo gaarista 4ta sare ee xagaagii hore aysan la macno aheyn in Liverpool ay joogto darajadii laga rabay.

Isagoo warbixin ku qoray The Sun, Shearer wuxuu yiri: “Haa, wuxuu kusoo celiyay Champions League xagaagii u dambeeyay isagoo 4-ta sare geeyay, taasoo niyadda u dhiseysa maamulka kooxda.

“Xaqiiqdu, si waliba ha noqotee, waxay tahay in Liverpool aysan ka duwaneyn waqtigan oo uu wato Klopp sidii ay ahaayeen waayihii Brendan Rodgers.