Home Suuqa Kala Iibsiga WARBIXIN: Wakiillada Lionel Messi oo shuruud adag hor dhigay kooxda Barcelona kaddib...

WARBIXIN: Wakiillada Lionel Messi oo shuruud adag hor dhigay kooxda Barcelona kaddib markii ay Taleefoon kula hadleen

145
0
SHARE

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Spain wakiillada ciyaaryahan Lionel Messi ayaa shuruud adag hordhigay maamulka kooxda Barcelona, kaddib markii ay khadka Taleefoonka kula dalkeen.

Wakiillada Messi waxa ay Barcelona u sheegeen in xiddigu uu wali ka tagi karo kooxda haddii aan la dhammaystirin dhowr saxiix oo cayiman.

Inkastoo uu Messi horay u ogolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Barcelona haddana wali wuu ka cago jiidayaa inuu qandaraaskaas qalinka ugu duugo.

Warsidaha ka soo baxa dalka Spain ee  Diario Gol ayaa rumeysan in marka laga yimaado in Messi uu afka ka ogolaaday saxiixa heshiis cusub haddana uusan qalinka ku duugin qandaraaskaas, taasoo soo gabagabayn karta waayihiisa garoonka Camp Nou.

Inkastoo Barcelona xagaagan iska dirtay Neymar kaasoo ku biiray Paris Saint-Germain, haddana waxa ay kooxda Borussia Dortmund kala soo wareegeen Dembele, laakiin hadda la fahansan yahay in Messi uusan ku qanacsanayn oo uu ka xun yahay sida ay wax u dhaceen.

Si kastaba ha ahaatee, wararku waxa ay intaa ku darayaan in Wakiillada Lionel Messi ay kala hadleen Barcelona arrin la xiriirta suuqa kala iibsiga, waxaana ay ku war galiyeen Barca sida la leeyahay baahida loo qabo inay kooxda keensato Angel di Maria.

Lionel Messi iyo Angel di Maria ayaa ka wada tirsan xulka qaranka Argentine, waxaana Messi uu rabaa in Di Maria lagula soo biiriyo kooxda Barcelona, isagoo aaminsan in saxiixa xiddiga ay isku xulka yihiin uu yahay mid ku habboon kooxda Barcelona.