Home Suuqa Kala Iibsiga RASMI: Borussia Dortmund oo koox ka dhisan Premier League ku garaacday saxiixa...

RASMI: Borussia Dortmund oo koox ka dhisan Premier League ku garaacday saxiixa difaacan… + SAWIRRO

162
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa ku dhawaaqday saxiixa difaac midig oo aad loo qiimeeyo ee Jeremy Toljan, kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda Hoffenheim.

Difaacan Jeremy Toljan waxaa si wayn loola xiriirinayey kooxda ka dhisan Premier League ee Tottenham, iyadoo hadda kooxda reer London lagu garaacay saxiixiisa.

Waxa uu 23-sano jirkaan xubin ka ahaa xulkii qaranka Jarmalka ee hantay xagaagii koobka qaramada Yurub ee xiddigaha da’doodu ka hooseyso 21-sano jirrada.

Jeremy Toljan waxa uu kooxda Borussia Dortmund qalinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah oo ku eg sanadka 2022-ka.

“Waa ciyaaryahan leh mustaqbal weyn” ayuu yiri agaasimaha kooxda Dortmund ee Michel Zorc mar uu ka hadlayey heshiis difaacan ay kula soo wareegeen.

SAWIRRO: