Home England Monaco oo kooxo badan oo waaweyn ku garaacday saxiixa Keita Balde, waxaana...

Monaco oo kooxo badan oo waaweyn ku garaacday saxiixa Keita Balde, waxaana muuqata in Liverpool ay qaadan karto Lemar

124
0
SHARE

Kooxda kubada cagta ee monaco ayaa soo bandhigtay saxiixa laacibkeeda cusub ee Keita Balde – taasoo caddeyn muuqata u ah in uu Thomas Lemar ku wajahanyahay Liverpool.

Laacibka dalka Senegal ee weerarka ah ayaa wuxuu ka tegay Lazio 5-sano oo heshiis ah ayuuna la gaaray kooxdiisa cusub oo ku qaadatay £28million.

Balde, waa 22-jir, wuxuuna ka ciyaaraa booska laacibka Reds iyo Arsenal ay wada doonayaan ee Lemar.

Liverpool ayaa laba mar ku fashilantay saxiixa Lemar, oo 21-jir ah, waxayna u muuqdaan kuwo doonaya in ay ku xoojiyaan safkooda.

Monaco madaxweynaheeda Vadim Vasilyev ayaa bishii lasoo dhaafay ku adkeystay in uusan laacibka Garabka ka ciyaara Iib aheyn Sanadkan.

Wuxuu yiri: “Waxaan ilaashan doonnaa dhammaan xiddigaha aan u aragno Muhiimka ee kooxda.

“Waxaan ka hor sheegi doonaa bulshada xaaladda Lemar. Wuu nala joogayaa isagu.

“Wuxuu muhiim u yahay safka kooxdeenna.”