Home Wararka Maanta Mid Kamid Ah Goolhayayaasha Ugu Caansan Adduunka Oo Argigixisanimo Xabsiga Loo Dhigay

Mid Kamid Ah Goolhayayaasha Ugu Caansan Adduunka Oo Argigixisanimo Xabsiga Loo Dhigay

102
0
SHARE

Maxkamadda sare ee dalka Turkiga ayaa Isniinta xukun ku ridday goolhayihii hore ee xulka Turkiga Omer Catkic, kaas oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay urur Argiggixiso.

Omer Catkic oo xabsiga la dhigay horaantii bishan ayaa looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay ururka uu hoggaamiyo wadaadka fadhigiisu yahay dalka MAreykan-ka ee Fethullah Gulen kaas oo sannadkii hore isku dayay in uu afgembiyo teliska madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Maxkamadda magaalada Istanbul ayaa ku ridday Catkic oo 42 sano jir ah xukun in uu xabsi sii ahaado, inta uu racfaan ka qaadanayo, sida ay werineyso Dogan News Agency.

Taleefoonkiisa ayaa lagu arkay Barnaamijka Bylock Message-ka kaas oo ay dawladda uga shakisan tahay in ay isticmaalaan kooxda wadaad diimeedka Gulen taageersan oo July 15, 2016- dalka Turkiga ka sameysay isku day afgembi.

Goolhaye Catkic ayaa inkabadan 19-jeer u saftay xulkiisa Turkiga, waxaana uu kasoo muuqday tartankii caanka ahaa ee koobka adduunka 2002-dii, iyo Euro 2000, sidoo kale wuxuu usoo ciyaaray kooxo ay kamid yihiin Bursaspor iyo Antalyaspor kahor inta uusan ka fadhiisan kubbadda cagta sannadkii 2012.

Tan iyo markii uu ka fadhiistay ciyaaraha, wuxuu noqday weriye ciyaaraha tebiya, sidoo kale wuxuu fallanqeeye u ahaa qaar kamid ah muuq baahiyayaasha isboortiga ka hadla ee fadhigoodu yahay dalka Turkiga.

Horey sidan oo kale waxaa xabsi loo dhigay Hakan Sukur oo ah ciyaariyahanka ugu caansan abbid Turkiga soomara, kaas oo xulkan guulo muhiim ah gaarsiiyay Muundiyaalkii 2002, kaddib markii looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay Gulen.