Home Suuqa Kala Iibsiga Inter milan oo kusoo biirtay xiisaha looqabo Divock Origi oo aan ku...

Inter milan oo kusoo biirtay xiisaha looqabo Divock Origi oo aan ku farxsaneen Liverpool

109
0
SHARE

Kooxda kubada cagta ee Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gashay xiisaha looqabo xidiga uciyaara kooxda Liverpool ee Divock Origi kaas oo aan ku qancsaneen kursiga keedka uu hada kaga jiro .

Heshiiska Naby Keita ayaa laga hishiiyey kooxda Merseysidka ay bixineysa 48million oo ginni oo lasiin doono kooxda Red Bull Leipzig ,wali lama shaacin qaandaraaska uu sida rasmiga ah ugu mid noqon doono kooxda Liverpool , inkastoo uusan hada ku biiri Karin ilaa laga gaaro xagaaga dambe

Liverpool ayaa aad ubaadi goobeysa Xiddiga Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu diirada u saaran yahay inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge ka dib markii labada kooxood ay ku heshiiyeen qiimaha uu xidiga ku dhaqaaqayo.

Dhanka kale, Origa oo ku guuldareystay inuu boos ka helo Klopp, ma uusan helin dalabyo badan wallow ay aad uxiiseeneysay kooxda Tottenham oo dooneysey in ay badal ugu dhigto Vincent Janssen. Oo aan ciyaar quruxbadan wali soo bandhigin .

Haatan, sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga ee Tutto Mercato Web, Inter waxa ay raadineysaa inay amaah ku qaadato Origi ,Warbixinta ayaa soo jeedineysa in 22 jirkaan uu xiiseynayo kaliya marxaladaan heshiiska amaahda ah ama amaah lagu iibsan karo.