Home England Chelsea iyo Man Utd oo ku dagaallamaya saxiixa Riyad Mahrez.

Chelsea iyo Man Utd oo ku dagaallamaya saxiixa Riyad Mahrez.

184
0
SHARE

Riyad Mahrezz ayaa la filayaa in uu sii joogo kooxda Leicester ka gadaal dagaal ba’an oo dhanka suuqa ah oo ay laacibkan ku gelayaan kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo ka mid ah naadiyada ugu dhaqaalaha roon horyaalka England.

Laacibka dalka Algeria ayaa ka mid ahaa hantida ay ku faaneyso Foxes xagaagan, balse laacibka garabka ka dheela ayaa la sheegayaa in ay hadda wada damacsanyihiin kooxo waaweyn oo horyaalka uu ka dheelo ka dhisan.

Serie A kooxda ka dhisan ee Roma ayaa lagu qasbay in ay ka harto raacdeysiga Mahrez balse weli kooxdaasi kama aysan quusan iyana heshiiska laacibkaas.

Marka loo fiiriyo RMC Sport, Red Devils macallinkeeda Jose Mourinho ayaa indhaha la raacaya wiilkan oo 26-jir ah.

Macallinka reer Portuguese wuxuu raadinayaa laacib ka ciyaara garab weerar, wuxuuna ka quustay Ivan Perisic balse Gareth Bale ayaa la filayaa in si Amakaag leh ay kooxdiisu ku qaadato inta uusan xirmin suuqa hadda furan.