Home Suuqa Kala Iibsiga Barcelona Oo Durba Si Hoose U Bilowday Iney Kasii Fakarto Xidigii Ay...

Barcelona Oo Durba Si Hoose U Bilowday Iney Kasii Fakarto Xidigii Ay U Dhaqaaqi Laheyd Hadii Ay Ku Fashilanto Philippe Coutinho.

111
0
SHARE

Barcelona ayaa cabsi ka qabta iney ku fashilanto saxiixa kubad sameeyaha Liverpool & qaranka Brazil Philippe Coutinho inkastoo Yahoo Sports ay soo warisay in Reds ay diyaar u tahay iibkiisa hadana kooxda ka dhisan gobolka Catalan durba waxey sii diyaarineysaa qorshaheeda xiga.

Qorshaha xiga ee Barcelona wuxuu ku fooraraa weeraryahanka reer Argentina Paulo Dybala kaas oo waqti qurux badan ku qaadanaya Juventus, maamulka kooxda ayaa aaminsan in xidigaas uu leeyahay mustaqbal weyn.

Tababare Ernesto Valverde ayaa aaminsan in Paulo Dybala uu leeyahay hibo kubadeed oo la heer noqon karta Lionel Messi hadii uu yimaado Camp Nou, sidoo kalana Balaugrana ilaa waqtiga ugu dambeeya kama quusan doonto Philippe Coutinho iyo Angel Di Maria.

Xidigii hore Palermo Paulo Dyabala waxaa lagu heli karaa lacagta ay Barcelona u ogoshahay iney ku bixiso qiimaha xidiga reer Brazil Philippe Coutinho.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuu xirmi doonaa habeenimada khamiista ah, taasoo ka dhigan in kaliya 48-saac ka yar uu dhiman yahay, maamulka Barcelona ayaana ka cabsi qaba in Liverpool ay wali ku adkeysato go’aankeeda ku aadan ineysan iibin.