Sababta Uu Zinedine Zidane Ku Diidan Yahay Saxiixa Xiddigaha Christian Eriksen Ama Donny van de Beek Oo La Ogaaday.

0
336

Wargayska ka soo baxa Spain ee Defensa Central ayaa shaaca ka qaaday sababta uu tababare Zinedine Zidane u diidan yahay saxiixa xiddigaha khadka dhexe ee Christian Eriksen Iyo Donny van de Beek inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay kooxdu ugu xoojiso khadka dhexe.

Kooxda Real Madrid ayaa ilaa haatan samaysay 4 saxiix iyada oo la soo saxiixatay xiddiga Luka Jovic, Eden Hazard, Éder Militão iyo Rodrygo Goes kuwaas oo la soo bandhigi doono maalmaha soo socda.

Zidane ayaa sidoo kale doonaya xiddig khadka dhexe ah waxana uu si aad ah u doonayaa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba isaga oo diidan xiddig kasta oo ay maamulka kooxdu soo hordhigeen.

Wargayska ayaa sheegaya in sababta uu Zidane ku diidan yahay Christian Eriksen tahay in uu la qaab ciyaareed yahay xiddigaha Toni Kross iyo Luka Modric sidaas darteed uuna doonayn xiddig la qaab ciyaareed ah xiddigaha uu haatan kooxda ku haysto.

Wargayska ayaa dhanka kale sheegay sababta uu Zidane ku diidan yahay xiddiga Donny van de Beek tahay in uuna xiddigu lahayn khibrad fiican inkasta oo uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in hadii heshiiska Pogba uu waayo Zidane uuna u dhaqaaqi doonin xiddigaha Christian Eriksen Iyo Donny van de Beek laakiin uu u dhaqaaqi doono saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Tanguy Ndombele.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here