Luka Jovic iyo Qaabkuu Ku Baasay Tijaabadii Caafimaadka ee Real Madrid Halka Ciyaaryahankii Ka Horeeyay Uu Ku dhacay..

0
213

Xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Real Madrid ka hor inta aan loo soo bandhigin taageerayaasha kooxda Real Madrid.

Weeraryahanka reer Serbia ee Luka Jović ayaa saaka soo gaadhay caasimada Madrid isaga oo tijaabada caafimaadka ku maray La Moraleja University Hospital kuna baasay tijaabada caafimaadka.

Xiddiga ayaa haatan isku diyaarinaya in lagu soo bandhigo garoonka kooxda Real Madrid ee Santiago Bernabeu si uu u noqdo saxiixii ugu horeeyay ee ay taageerayaasha Real Madrid arkaan xagaagan.

Xiddiga Luka Jovic ayaa taageerayaasha Los Blancos ku salaami doona kuna soo hor bandhigi doona farsamooyin marka ay saacadu tahay 3:00 Galabnimo ee geeska Africa.

21 jirkan reer Serbia ayaa kooxda yimid isaga oo xulka qarankiisa Serbia ku hogaamiyay guul kulankii is reeb-reebka Euro 2020 kuwaas oo ay garaaceen xulka Lithuania.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here