Gabadhii Neymar Ku eedeysay Kufsiga Oo Sheegtay 10KG iney ka Dhacday Neymar Daraadiis Iyo Sheekadii Dahsooneyd Ee Dhexmartay..

0
407

Najila Trindade, oo ah gabadhii kufsiga ku eedeysay Neymar ayaa sheegtay in nolosheeda ay ciriiri gashay tan iyo markii la ogaaday qofka ay tahay.

Neymar ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraaladii ay isweydaarsadeen gabadhaan ka dib iyo ka hor waqtii ay sheegtay inuu kufsiga dhacay.

“Uma maleynayo in la joogo waqti fiican oo aan nolosheyda soo bandhigi oahaa” ayay Trindade ku sheegtay wareysi ay siisay Domingo Espectacular.

“Waxaan u baahanahay inaan soo kabsado. Xaaladeyda ma fiicna, xitaa ma xanaaneyn karo wiilkeyga yar.

“Ma seexdo, wax ma cuni, waxaana iga dhacday 10 kiilo isbuucii la soo dhaafay.”

Muuqaalka wareysiga ay bixisay waxaa ka muuqday rafaad badan oo jir ahaaneed iyo maskax ahaanba, waxaana ay dhowr jeer isku celineysay ilinta markii ay ka hadleysay xaalada ay haatan ku sugan tahay.

Waxayse ka fogaatay inay ka sii hadasho Neymar iyadoo ka baqeysa inay nolosheeda ciriiri sii galeyso.

“Danbiyo badan ayaa la ii geystay” ayay tiri. “Aniga iyo qoyskeygaba waa nala dhibaateeyay. Waxay yimaadeen gurigeyga waxay iga xadeen alaabi qiimo leh oo uu ku jiro computer-ka wiilkeyga.

“Waa ay i sumcad dilayaan, waxay iga abuurayaan waxyaabo been ah.”

Markii la weydiiyay waxa ay bedeli laheyd haddii ay awoodo, waxay sheegtay inay xiri laheyd akoonkeeda Instagram si aysan u arkin Neymar.

“Haddii aanan dib u kicin laheyn akoonkeyga Instagram oo aan ku deyn lahaa sidii aan u xiray bishii Janaayo, nolosheyda waa ay nabdoonaan laheyd haatan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here