Gabadhii Neymar Ku Eedeysay Kufsiga oo Soo Bandhigtay Muuqaalo Iyo Qoraalo Taageerayaasha Ka Nixiyay Iyo Sheeko Cusub..

0
1401

Kiiska kufsiga ee kagu eedeeyay Neymar ayaa weli ah mid hadal-heyntiisa ay socoto, iyadoo la soo bandhigay wada sheekeysi dhexmaray gabadha eedeyneysa Neymar ee Najila Trindade iyo qareenkeedii hore.

Wada sheekeysiga oo loo adeegsaday WhatsApp ayaa waxaa soo bandhigtay hikinka Record Tv, waxayna Najila ku eedeysay Neymar inuu yahay daroogiiste.

“uma maleyneynin inaan nolol gurigeyga ugu soo laabanayo” ayay qortay.

“Waxaan doonayay inaan dacwad uga furo Paris laakiin waxaan ka cabsaday inay cawaaqib xumo iga raacdi.

“Alla muxuu qof waalaan yahay.

“Wuu i garaacay, wuu i kufsaday, wuu qamreysnaa, wuxuuna ku sheegay fariimihii uu ii soo doray.

“Waa rabshiike, daroogiiste ah, wuxuu u baahan yahay in ka xiro ama la geeyo meel dhaqan celis ah.

“Sida uu haatan yahay wuxuu halis ku yahay bulshada iyo naftiisaba. Wuu i garaacay ka dibna sawiro ayuu ka qaatay nabaradii uu ku dhigay birideyda.

“Sababtii uu u sameeyayna waa inuu ugu faano asxaabtiisa.

“Maalintii kuxigtay waan dharbaaxay sababtoo ah waan careysnaa, waxaaana doonayay inaan xanaaqa iska baa bi’iyo”

Qareekeedii hore ayaana kula taliyay inay dacweyso Neymar oo ay banaanka keento ceebtiisa.

“Haddii aad heyso sawiro, sharciga adiga ayuu kula jirayaa markaas, sharciga ayaana ku ilaalin doona” ayuu ugu jawaabay.

“Marka aad isdejiso waxaad ii soo dirtaa sawirada iyo muuqaalada aad heyso”

Saacado dhowr ah ka dib, Najila ayaa la xiriirtay qareenka, waxayna sababtay inay kala tagaan iyada iyo qareenkeeda.

“Waxaan doonayaa inaan soo dhigo muuqaalka. Ma doonayo inay sumcadiisa nadiif u noqoto anigaba aan rafaado” ayay u qortay.

Qareenkeeda kama helin talaabadaas, waxaaana uu u sheegay inay raadsato qof kale oo qareen u noqda.

“Nidaamka cadaalada sabab ayuu u jiraa, laakiin haddii aad rabto inaad adiga gacantaada cadaalad ku raadsato, waxaan qabaa inaad raadsato qareen kale” ayuu ugu jawaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here