Tababaraha Netherlands Koeman Oo Balan Qaaday Kulanka Finalka Caawa War Naxdin Geliyay Cristiano Ronaldo..

0
92

Tababaraha xulka Holland ee Ronald Koeman oo saxaafada u warramay kahor kulanka Final-ka UEFA Nations Leageu ee ay caawa la yeelan Portugal ayuu kasoo yeedhay hadal miisaankiisa leh oo uu kaga hadlay Cristiano Ronaldo.

Portugal ayaa caawa Holland kula ciyaari doona carrigooda gaar ahaan gegidii ay Switzerland kaga soo guuleysteen ee Estadio do Dragao markaas oo uu Cristiano soo dhaliyay saddexleyda sahashay inay halkan soo gaadhaan.

Dhinaca kale Holland ayaa 3-1 markeeda kaga soo guuleysatay England waxaana kulankaas degenaansho weyn kusoo muujiyay Virgil Van Dijk walow uu orin badan kala soo kulmay jamaahiirta England.

Ronaldo ayaa ah shaqsi aan sharaxaad badan u baahnayn oo shan jeer loosoo doortay xiddiga ugu fiican dunida balse Van Dijk ayaa markiisa xilli ciyaareedkan u tartami doona abaalmarintaas kaddib bandhigii wacnaa iyo hanashadii Champions League.

Matthijs De Ligt ayaa isaguna soo noqday facii ka roone isaga oo door weyn kasoo qaatay in kooxdiisii Ajax ay soo gaadhay afar dhammaadkii Champions League.

Si kastaba, Tababare Koeman ayaa aaminsan in lamaanihiisa daafac ee Van Dijk iyo De Ligt ay joojin doonaan Ronaldo isaga oo sheegay in Van Dijk kaliya uusan ahayn midka Ronaldo celin kara balse De Ligt uu soo joojin bilooyin kahor.

Ronald Koeman ayaa yidhi “Waxaanu kula ciyaarnay iyaga kulan saaxiibtinimo dalka Switzerland wakhti aysan wax badani kasoo wareegin, De Ligt waxa uu joojinayay Ronaldo sidoo kale, Maaha kaliya Van Dijk midka Ronaldo joojink karaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here