Real Madrid iyo Barcelona Oo Dantooda Fiirsanaya ayaa Ku Wada Duceysanaya in PSG Agaasimaha Ciyaaraha U Magacawdo Shaqsigan.

0
222

Kooxaha ugu waaweyn Spain ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa labaduba isha ku haya isbedelada ay samaynayso kooxda Paris Saint-Germain gaar ahaan inay agaasimaha ciyaaraha ee kooxdeeda u magacaabayso Leonardo.

Kooxdan uu mulkiyadeeda leeyahay Nasser El-Khelaifi ayaa doonaysa inay isbedelkeeda ugu horreeya ee xilli ciyaareedka ka dhigto bedelista Antero Henrique oo ah agaaasimaha ciyaaraha ee haatan ee kooxdeeda kuna bedesho Leonardo.

Sababta ay Madrid iyo Barca u doonayaan in PSG talaabadaas qaado ayaa ah in Henrique oo ah ninka la bedelayaa uu ahaa shaqsi qayb libaax ka qaatay imaanshihii kooxda ee Neymar JR haddii uu isagu baxana Neymar la heli doono.

Neymar ayaa haatan dhexda kaga jira wakhti adag waxaana uu markale la kulmay dhaawac ka joojiyay Copa America isaga oo xilli ciyaareedkan dhammaanayana dhexdiisa dhaawac xuni kusoo gaadhay.

Intaa waxa dheer in sheekada murugta ugu badan ku haysaa ay tahay in fal anshax xumo ah oo kufsi ah loo haysto waxaana ka tabanaysa gabadha Najila Trindade oo ay ku kulmeen huteel Paris ku yaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here