Waa tuma Kinsey Wolanski? Xog ku saabsan gabadhii xalay kusoo dhex oroday garoonka Wanda Metrapolitano.

0
419

Inkastoo sharciga ay UEFA dhawaan soo rogtay uu dhibaato ku noqday isla markaana wax badan aysan shaashadaha muuqaalka kasoo muuqan, hadana Kinsey Wolanski ayaa xalay noqotay hadal heynta ugu badan kubadda cagta.

Gabadhaan u dhalatay wadanka Russia ayaa kusoo dhex oroday garoonka Wanda Metrapolitano iyadoo aan wadan dhar ugu yaraan macquul ah, waxeyna kaga gol laheed iney qabsato hadal heynta bulshada kubadda cagta.

Gabadhaan waa 22-jir, waxeyna saaxiib la tahay wiilka caanka ah ee dhanka youtube-ka aadka looa yaqaano ee Vitaly Zdorovetskiy, kaas oo sidoo kale leh website lagu daabaco muuqaalo aan anshax aheyn.

Gabadhaan ka hor bilowga ciyaartii u dhaxeysay labada kooxood ee Liverpool iyo Tottenham Hotspur waxey barta Insgtaram-ka ku laheed saaxiibo aan ka badneen 230,000 (Laba boqol iyo soddon kun), balse kadib ficilkii ay xalay sameysay waxey yeelatay 1.7 Malyan oo saaxiib.

Taageerayaasha kubadda cagta ayaa gabi ahaanba adduunka oo dhan ka hadal hayay, waxeyna noqotay qofkii ugu badnaa ee xalay baraha bulshada looga hadlo,

  • Waan ka xunahay sawiradeeda kulankii xalay masoo bandhigi karno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here