Jordan Henderson oo Sheegay Ineysan Suurto Gali Laheyn Ku Guuleysiga Champions League Shaqsigaan La’aantiis…

0
39

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa tilmaamay waliba amaan ugu qubeeyay halka shaqsi ee Liverpool ka caawiyay ku guulaysiga koobka champions League oo ay xalay ka qaadeen kooxda Tottenham.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Jordan Henderson ayaa amaan ugu qubeeyay tabaraha Liverpool ee Jurgen Klopp kadib guushii ay Liverpool ku guulaystay tartanka champions League.

Kabtanka Reds ayaa saxay wixii khaldamay Finalkii Kiev kulankii ay Liverpool guuldarada 3/1 ah kala kulantay Real Madrid kadib markii ay 2/0 ku garaacday Liverpool kooxda Tottenham.

Inkasta oo uu door muhiim ah ka qaatay ku guulaysiga koobka xiddigii hore ee kooxda Sunderland ayaa amaanay tababaraha kooxdiisa iyo waliba doorkii uu ku lahaa ku guulaysiga koobka.

“Isaga la,aantiis suurtagal ma noqoteen in ay tani dhacdo”ayuu Henderson yidhi dhamaadkii ciyaarta.

“Waxa an soo marnay wakhti adag xilli ciyaareedkan”.

“Waxa uu Klopp u qabtay kooxdan waa wax aan la rumaysan karin, xiddigihii uu soo iibsaday iyo kuwii halkan sii joogay”ayuu yidhi.

“Amaanta oo dhan waxa iska lehh tababaraha jawiga cajiibka ah iyo waliba xiddigaha dhiiga u shubaya kooxdan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here