Griezmann, Coutinho, Fekir, Neymar, Lukaku & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
44

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda chelsea ayaa isku dayi doonta in ay la soo saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho hadii laga ogolaado Racfaanka ay ka qaadanayaan suuqa (Gianluca di Marzio).

Kooxda Newcastle ayaa doonaysa tababarihii hore ee kooxda Ac Milan ee Gennaro Gattuso si uu badal ugu noqdo tababare Rafael Benitez (Newcastle Chronicle).

Kooxda PSG ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Romelu Lukaku (Express).

Man City iyo Liverpool ayaa isku baacsan doona saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Nabil Fekir (Express).

Kooxda Bayern Munich ayaa 20 milyan oo euro dul dhigtay madaxa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdeeda ee Jerome Boateng kaas oo diirada u saaran Arsenal iyo Man United (Bild).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa daafaca kooxda PSG ee Thomas Meunier xilli uu Unai Emery si shaqsi ah u dhex galay arinta si uu ugu garaaco Man United (Paris United).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann iyo waliba in ay dib ula soo saxiixato xiddiga Neymar (Mundo Deportivo).

Kooxda Inter Milan ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Roma ee Aleksandar Kolarov (Gazzetta dello Sport).

Kooxda Man United ayaa loo sheegay in ay bixios 60 Milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Goolhayaha Ac Milan ee Gianluigi Donnarumma (Sempre Milan).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Kooxda Sporting Lisbo ee sida weyn loola xiriirinayo Man United ayaa doonaya in uu ka ciyaaro kooxda Liverpool halkii uu ku biiri lahaa Man United (TeamTalk).

Maurizio Sarri ayaa loo ogolaaday in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Juventus (several).

Ilo wareedyo badan ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus diyaar u tahay in ay iibiso xiddigaha Joao Cancelo & Mario Mandzukic kadib u dhaqaaqdo daafaca Kieran Trippier (Football Italia).

Kooxda Paris-Saint Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho (AS).

Tababaraha cusub ee kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa doonaya in uu kooxda dib ugu soo celiyo xiddiga Mateo Kovacic kaas oo haatan amaah kula jooga chelsea (Tuttosport).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here