Home Wararka Maanta Zlatan oo kulankiisa kowaad labo gool dhaliyay sidoo kalena LA Galaxy guul...

Zlatan oo kulankiisa kowaad labo gool dhaliyay sidoo kalena LA Galaxy guul taariikhi ah ka siiyay Los Angeles FC!

256
0
SHARE

Zlatan Ibrahimovic ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankiisa kowaad uu LA Galaxy u cayaaro kulan ka tirsanaa horyaalka Mareekanka MSL.

Naadiga LA Galaxy ayaa 4-3 gusha kaga qaadatay dhigeeda Los Angeles FC weliba qaybtii hore cayaarta 3-0 ayaa lagu kala nastay oo ay Los Angeles FC ku hogaamineesay.

Zlatan Ibrahimovic ayaa badal kusoo galay kulankaan daqiiqadii 71-aad kaliya marka uu cayaarta ku jiray 6-daqiiqo ayuu goolkiisa kowaad dhaliyay.

Big Zlatan ayaa goosha naadiga Los Angeles FC kasoo toogtay 38 yard sidoo kalena funaandada siibtay asigoo dabaal deg waali ah sameeyay cayaartana ka dhigay 3-3.

Kulanka ayaa xamaasadiida cirka isku shareertay ayadoo daafacyada Los Angeles FC qal qal xoogan dareemeen markii Zlatan ay weerarkiisa xamil waayeen.

Kulankan oo lagu daray 5-daqiiqo waxaa cayaarta dhinac kale u rogay ayadoo daqiiqadaha dhimashada lagu guda jiro Zlatan oo 4-3 ka dhigay.

Zlatan ayaa guul taariikhi ah kooxdiisa LA Galaxy oo 4-3 ah ka siiyay naadiga Los Angeles FC kulan soo laabasho wali ah ayay Zlatan iyo kooxdiisa horyaalka Mareekanka ka sameeyeen.

Zlatan Ibrahimovic ayaa la imaaday bilaabasho cajiib badan noloshii cayaareed Waqooyiga Ameerika.