Home Wararka Maanta Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka London Derby Ee Chelsea...

Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Kulanka London Derby Ee Chelsea vs Tottenham

252
0
SHARE

Chelsea ayaa isha ku heysa inay soo nooleyso rajadeeda afarta kooxood ee ugu sareysa marka ay marti galineyso Tottenham Hotspur kulanka katirsan horyaalka Premier League.

Blues ayaa heysata rikoor cajiib ah oo ka dhan ah kooxda ay ku xafiiltamaan London kulamada Stamford Bridge, laakiin waxa ay ciyaarayaan kulankaan iyagoo kujira qaab ciyaareed niyad jab leh.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stamford Bridge

SAACADA: 6:00 PM

MAXAA CUSUB?

Inkastoo uu cabsi laga qabay in Kane seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, haddana waxaa muuqata inuu si dhaqso ah ugu soo laaban doono muddo lix isbuuc ah.

Spurs waxay heystaan ciyaartooy taam ah oo ay ku wajahaan Chelsea caawa.

Toby Alderweireld oo u ciyaaray xulkiisa, Ben Davies iyo Kieran Trippier oo lagu daray Danny Rose iyo Serge Aurier ayaa dhamaan diyaar ah.

Chelsea waxaa shaki ka qaba goolhaye Thibaut Courtois oo la dhibtoonaya dhaawac muruqa ah, halka Andreas Christensen uu dareemayo daal badan..

Gary Cahill ayaa kamid noqon kara seddexda daafac ee Chelsea haddii Christensen seego inuu kusoo bilowdo kulankaan.

Giroud iyo Alvaro Morata ayaa ku dagaalamaya booska weerarka dhexe, Inkastoo labaduba qaab ciyaareed xun ku ay kujiraan.

XAQIIQADA KULANKA

Chelsea waligeed ma aysan guul darreysan kulan ay Tottenham gurigeeda kula ciyaartay Premier League tan yo bishii February 1990 markaasoo Gary Lineker goolka guusha u dhaliyay Spurs.

Blues ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay oo ay ka gaarto Tottenham tan iyo xilli ciyaareedkii 2005-06.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Chelsea: Courtois; Azpilicueta, Christensen, Rudiger; Moses, Kante, Fabregas, Alonso; Willian, Morata, Hazard

Tottenham Hotspur: Lloris; Trippier, Sanchez, Vertonghen, Davies; Dier, Dembele; Lamela, Alli, Eriksen; Son