Home Wararka Maanta Waa kuwee kooxaha ugu bandhiga fiican 8-naadi ee Champion-ka isugu soo hareen

Waa kuwee kooxaha ugu bandhiga fiican 8-naadi ee Champion-ka isugu soo hareen

327
0
SHARE

Waxaa la amba qaadi doonaa UEFA Champions League wareegiisa 8-aad ayadoo la cayaari doono Talaado iyo Arbaco waxaana isku soo hareen kooxihii xili cayaareedkan tartanka Yurub ugu awooda badnaa.

Haddaba waxaan idiin heynaa kooxaha Champion-ka isugu soo hareen iyo xaalad ahaan kuwooda ugu bandhiga wacan.

Barcelona iyo Liverpool waa labada naadi ee aan xili cayaareedkan Champion-ka laga badinin ama guuldaro la’aan ah.

8-kulan aan Barca laga badin waxay guuleesteen 5-ka mid ah sedex kulana bar bar dhac ayay galeen halka Liverpool 8-kulan aan laga badinin guuleesteen 4-ka mid ah 4-kulana bar bar dhac galeen.

Bayern Munich waa naadiga guulaha xariirka ugu badan haatan Champion-ka gaareyso waxayna guuleestay 6-kulan oo isku xigto.

Liverpool waa naadiga goolasha ugu badan Champion-ka dhalisay xili cayaareedkan waxayna tartanka ka dhalisay 28-gool.

Barcelona waa naadiga ugu daafaca fiican ayadoo 2-gool kaliya laga dhaliyay 8-kulan ay cayaartay xili cayaareedkan.

Juventus waa naadiga guul daro la’aanta ugu dheer dhamaan tartamada kala duwan waxaana haatan laga badin 25-kulan dhamaan tartamada kala duwan ayagoo guuleesteen 20-ka mid ah afar kulana bar bar dhac galeen.

Barcelona waa kooxda kulamada ugu badan horyaalkeeda laga badin xili cayaareedkan waxayna haatan mareysaa 30-kulan.