Home Wararka Maanta Rasmi: Garsoorayaasha dhex dhexaadin doonaan kulamada Juve-Real Madrid & Sevilla-Bayern oo shaaca...

Rasmi: Garsoorayaasha dhex dhexaadin doonaan kulamada Juve-Real Madrid & Sevilla-Bayern oo shaaca laga qaaday

471
0
SHARE

UEFA ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday garsoorayaasha dhex dhexaadin doonaan kulamada Champion-ka wareegiisa 8-aad habeenka Talaadada la cayaari doon ee kala ah Juve-Real Madrid iyo Sevilla-Bayern.

Garsooraha caanka ah ee reer Turkey Cunet Cakir ayay UEFA u xil saartay masuuliyada dhex dhexaadinta kulanka Turin ka dhici doono Juventus Vs Real Madrid lugta kowaad wareega 8-aad Champion-ka.

Cunet Cakir oo 41-jir ah 8-jeer ayuu horey Real Madrid u garsooray kulamadeeda Yurub kaliya labo jeer ayaa kulamadaas laga badiyay.

Cunet Cakir markii ugu dambeesay uu Madrid u dhex dhexaadiyay waxay garoonka Wembley guuldaro 3-1 kala kulmeen Tottenham xili cayaareedkan heerka guruubyada Champion-ka.

Sidoo kale Cunet Cakir wuxuu garsoore ka ahaa kulankii Madrid Derby ee Los Blancos 2-1 guuldaro Atletico Madrid kala kulantay Semi Fiinaalaha lugta labaad balse Real ayaa Fiinaalka u gudubtay.

Dhinaca kale garsooraha reer Talyaani Daniele Orsato ayaa dhex dhexaadin doono kulanka Sevilla Vs Bayern Munich ee Talaadada lugta kowaad gudaha Spain lagu cayaari doono.