Home Wararka Maanta Pogba oo ugu dambeyntii ka hadlay qilaafka isaga iyo Mourinho dhex yaalo...

Pogba oo ugu dambeyntii ka hadlay qilaafka isaga iyo Mourinho dhex yaalo waxa ka run

169
0
SHARE
during the Premier League match between Tottenham Hotspur and Manchester United at Wembley Stadium on January 31, 2018 in London, England.

In ka badan mudo bil ah waxaa la isla dhex maraayay in cayaaryahan Paul Pogba iyo macalinkiisa Jose Mourinho inuu qilaaf dhex yaalo.

Haddal heynta saxaafada ayaa sii xoogeesatay markii Mourinho uu keedka dhigay Pogba labadii kulan Man United la cayaartay kooxaha Sevilla iyo Brighton.

Pogba culeeska ayaa ka dagay markii kulamada waajibaadka qaran la cayaaray asigoo xulka France laad xur ah u dhaliyay goolna caawiyay kulankii saaxiibtinimo ee Russia 3-0 ku garaaceen.

Taasi waxay Pogba ka caawisay in kulankii shalay Man United 2-0 guusha kaga qaadatay Swansea City lagu soo bilaabo si wacana u cayaaray.

Pogba TV-ga France laga leeyahay Telefoot la hadlay wuxuuna yiri “Ma jirin wax dhibaato oo aniga iyo Mourinho na dhex yiilay todobaadyadii ugu dambeeyay”

“Mourinho waa macalinkeyga waxaana igala dhaxeeyo xiriir wanaagsan waana arin go’aan macalin in cayaaryahanka garoonka galo ama la fariisiyo wax dhib ahna midaas uma arkin”

Pogba hadalkiisa wuxuu meesha ka saarayaa warka ay saxaafada waddo oo ah in cayaaryahan iyo macalinkiisa qilaaf dhex yaalo sidoo kalena xagaagan uu garoonka Old Trafford isaga tagi doono.