Home Wararka Maanta Mohamed Salah Oo Jabiyay Dhamaan Rikooradii Goolasha Liverpool & Wax Walba Oo...

Mohamed Salah Oo Jabiyay Dhamaan Rikooradii Goolasha Liverpool & Wax Walba Oo Aad Kaga Baahan Tahay Rikooradiisa

110
0
SHARE

Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 29aad ee Premier League xilli ciyaareedkan markaasoo kooxdiisa Reds ka caawiyay inay 2-1 ku garaacdo Crystal Palace.

Guud ahaan Salah ayaa 37 gool ku lug yeeshay xilli ciyaareedkan, isagoo jabiyay rikoorkii Robbie Fowler oo 36 gool u dhaliyay Liverpool xilli ciyaareedkii 1995/96.

Salah ayaa rikoorkaan ku gaaray 41 kulan, halka weeraryahankii hore ee Liverpool Fowler 36 uu ku qaadatay inuu ku dhaliyo 53 kulan.

Salah oo sidoo kale ku riyaaqaya xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa Liverpool waxa uu jabiyay rikoorkii Fernando Torres oo 33 gool dhaliyay xilli ciyaareedkii 2007/08.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 29aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana 22 ka mid ah goolashiisa uu ku dhaliyay lugta bidix.

Dhinaca kale Mohamed Salah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay Premier League hal xilli ciyaareed 22 gool lugta bidix ku dhaliya.

Salah scored the winning goal at Selhurst Park in the closing stages

Salah oo matalaya calanka dalka Masar, Wuxuu durbadiiba noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda ciyaartooyda Masar ee ka ciyaartay horyaalka England.

Salah ayaa jabiyay rikoorkii Ahmed Mido oo 22 gool ka dhaliyay Premier League markii uu afar gool ka dhaliyay Watford ka hor ciyaaraha caalamiga ah, sidoo kale wuxuu noqday xiddigii ugu horeeyay Masar ee hal ciyaar ka dhaliya saddex goo ama ka badan.

Weeraryahanka Liverpool Salah ayaa kulankii Crystal Palace kula barbar noqday koorkii xiddiga ugu goolasha badan Africa hal xili horyaalka Premier League.

Salah iyo Didier Drogba ayaa haatan rikoorkaan ku wadaaga 29 gool, laakiin mucjisada Masar ayaa rikoorkaan jabin kara kulamada ka harsan horyaalka.

Salah ayaa haatan 21 koox oo kala duwan ka dhaliyay goolal horyaalka Premier League, waxaana uu doonayaa inuu dhaafo rikii koorCristiano Ronaldo iyo Robin van Persie hore kaga dhigeen Premier League.

Salah is five goals ahead of Harry Kane in the Golden Boot race

Salah ayaa kaliya u baahan laba gool oo dheeri ah si uu u gaaro rikoorkii goolasha Luis Suarez, Cristiano Ronaldo, Alan Shearer oo min 31 gool hal xili ciyaareed ka dhaliyay Premier League.

Salah ayaa ku guuldareystay inuu shabaqa kasoo taabto xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League kaliya labada koox ee Manchester United iyo Swansea.

Salah ayaa sagaal gool ka caawiyay Premier League halka uu dhaliyay 29 gool, taasoo la micno ah inuu u baahan yahay kaliya lix gool oo dheeri ah ama caawin ah si uu ula midnoqdo Thierry Henry.

Halyeyga Arsenal Henry ayaa xili ciyaareedkii 2002/03, waxaa loo diiwaan geliyay 24 gool iyo 20 caawin.