Home Wararka Maanta Faaqidaada kulanka Xiisaha Leh Arsenal vs Stoke City – Wenger & Wiilashiisa...

Faaqidaada kulanka Xiisaha Leh Arsenal vs Stoke City – Wenger & Wiilashiisa Oo Guul U Baahan

102
0
SHARE

Arsenal ayaa isku dayi doonta inay hesho guul ay ugu soo dhawaato afarta sarre ee Premier League marka ay Stoke City ku marti galineyso Emirates Stadium galabta.

Gunners qaab ciyaareed cajiib ah kujiray kulamadii lasoo dhaafay, ayaa dhanka kale loo diiwan geliyay xilli ciyaareedkii ugu xumaa tababare Arsene Wenger, waxaana ay u muuqdaan kuwo markale seegi kara afarta sarre ee Premier League.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Emirates Stadium

SAACADA: 3:30 PM

MAXAA CUSUB?

Jack Wilshere ayaa la rajeynayaa inuu dib ugu soo laabto shaxda koowaad ka dib markii uu ku guul darreystay inuu ciyaaro kulamadii saaxibtinimo ee xulkiisa England, waxaana Arsenal ay sidoo kale soo dhaweyn doontaa Alexandre Lacazette oo kasoo laabtay dhaawac jilibka ah.

Dhaawac soo gaaray Sead Kolasinac intii lagu jiray fasaxa ciyaaraha heerka caalami ayaa dhibaato kale ku ah daafaca Arsenal, laakiin Laurent Koscielny iyo Mesut Ozil ayaa labadoodaba dib ugu soo laabtay taam ahaansho rasmi ah.

Pierre-Emerick Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan, oo isku dary gool ku lug yeeshay 406 daqiiqo oo ay u ciyaareen Arsenal ayaa diyaar u ah kulankaan inay kusoo bilowdaan.

Ciyaartoyda martida ah, waxaa ka maqan Charlie Adam oo ganaaxan iyo Eric Choupo-Moting oo dhaawac muruqa ah qaba

Tababare Lambert ayaa rajeynaya inuu dib u helo Mame Biram Diouf heli oo kasoo laabtay waajibaadka xulkiisa Senegal horaantii Isbuucaan, halka Erik Pieters qarka u saaran inuu kasoo laabto dhaawac uu kaga maqanaa kooxdiisa.

XAQIIQADA KULANKA

Arsenal ayaa badisay 15-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda ku wajahday Stoke tartamada oo dhan.

Stoke kuma badin garoonka Arsenal tan iyo August 1981 markaasoo 1-0 ay ku badiyeen garoonkii Highbury.

Stoke ayaa ku guuleysatay bilowgii xilli ciyaareedkaan gool uu dhaliyay Jesse Rodriguez, waxaana haatan ay raadineysaa labo kulan oo xiriir ah in ay ka badiso Gunners markii ugu horeysay tan iyo 1975-76.

Guud ahaan, Arsenal ayaa badisay 56 ka mid ah 106dii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxaana ay dhaliyeen ugu yaraan labo gool mid kasta oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaareen waqooyiga London.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Arsenal:Cech; Bellerin, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Ramsey; Mkhitaryan, Ozil, Iwobi; Aubameyang

Stoke City:Butland; Johnson, Shawcross, Zouma, Pieters; Fletcher, Ndiaye; Shaqiri, Allen, Sobhi; Crouch