Home Wararka Maanta Daafaca Kooxda PSG Ee Dani Alves Oo Noqday Xiddiga Ugu Koobabka Badan...

Daafaca Kooxda PSG Ee Dani Alves Oo Noqday Xiddiga Ugu Koobabka Badan Taariikhda Kubada Cagta & Xog Ku Saabsan Rikoorkaas

146
0
SHARE

Xiddiga garabka daafaca uga ciyaara kooxda PSG ee Dani Alves ayaa isku qoray taariikhda kubada cagta kadib markii uu kooxda PSG kula guulaystay koobka France Cup.

Kooxda PSG ayaa guul 3/0 ah ka gaartay kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Monaco iyaga oo sidaas ugu guulaystay koobka France cup ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Brazil ayaa noqday xiddiga ugu koobab guulaysiga badan taariikhda kubada cagta kadib koobkii uu kor ula qaaday kooxdiisa PSG.

Wargayska AS ayaa sheegay in ku guulaysigii ay PSG ku guulaystay koobka France cup ay Dani Alves ka dhigtay xiddiga ugu koobabka badan taariikhda kubada cagta.

Xiddiga khabiirka ah ayaa koobabkiisa ugu badan kula soo guulaystay kooxda Barcelona oo uu ku soo qaaday 23 koob oo ka mid ah 36 koob oo uu qaaday.

Alves ayaa qaaday 6 horyaalka La Liga ah,4 Copa Del Rey-ga ah,5 super cup-ka Spain ah,3 champions League,3 Europe super cup,3 club world cup,Bahia cup oo uu kula guulaystay xulka qarankiisa Brazil,Coppa Italia,Serie A,2 koob oo koobka qaaradaha ah oo uu la qaaday Brazil,Coppa America,5 koob oo uu la qaaday sevilla oo kala ah Copa Del Rey,super cup-ka Spain, laba Europe League iyo hal Europe Super cup ah”.

Wargayska ayaa sheegay in uu Dani Alves haatan ka koobab badan yahay halyeeyo badan oo kubada cagta ah oo koobab badan ku soo guulaystay noloshooda ciyaareed oo kala ah Kenny Dalglish oo ku guulaystay 35 koob Iyo Ryan Giggs oo ku guulaystay 34 koob.