Home Wararka Maanta Daafaca Kooxda Bayern Munich Ee Mats Hummels Oo Tilmaamay Hal Koox Ayna...

Daafaca Kooxda Bayern Munich Ee Mats Hummels Oo Tilmaamay Hal Koox Ayna Kooxna Doonayn In Ay Ku Aado Champions League, Mana Ahan Bayern,Real & Barca

398
0
SHARE

Daafaca kooxda Bayern Munich ayaa shaaca ka qaaday hal koox uuna doonayn in uu ku aado champions League wareega xiga hadii ay labadooduba u soo baxaan wareega 4 dhamaadka tartanka ugu magaca weyn yurub ee Champions League.

Daafaca ayaa ku rajo weyn in ayna kooxda Bayern Munich ku aadin kooxda Liverpool wareega 4 dhamaadka champions League hadii ay soo baxaan wareega xiga.

Kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa lugta 1-aad marti galin doonta kooxda Man City halka ay kooxda Bayern Munich u safri doonto kooxda Sevilla.

“Waxa aan ogahay sida ay kooxaha Jurgen Klopp u adag yihiin”ayuu Hummels yiri.

“Waxa aan ogahay sida ay kooxdiisu u fiicantahay marka la joogo heerkan mararka qaar ay adagtahay in lala ciyaaro kooxdiisa”.

“Kooxdiisu mar walba waxa ay soo bandhigaan qaab ciyaareedka ugu sareeya marka ay la ciyaarayaan kooxaha waaweyn taasi waa hubaal”.

“Uma malaynayo in ay jirto koox haatan ku jirta champions League oo doonaysa in ay wajahdo Liverpool, waxa ay u shaqeeyaan si adag, waxa ay u ciyaaraan si deg-deg ah waxana ay haystaan xiddigo tayo leh gaar ahaan weerarka”ayuu sii raaciyay.