Home Wararka Maanta Chelsea vs Tottenham: 5-arimood oo aad u baahan tahay inaad ogaatid ka...

Chelsea vs Tottenham: 5-arimood oo aad u baahan tahay inaad ogaatid ka hor kulankaan

463
0
SHARE

Chelsea vs Tottenham waa kulan go’aamin karo natiijada kasoo baxdo afarta naadi ee xili cayaareedkan safka hore ku dhameesan karaan.

Macalin Conte wuxuu sheegay in kooxdiisa Chelsea ay waajib ku tahay Spurs ka badiyaan hadii kale ay ku fashilmi doonaan inay afarta sare ka mid noqdaan madaama farqi 5-dhibcood ah u dhaxeeyo labadaan koox.

Haddaba ka hor kulankan London Derby inta uusan bilaabanin 6:00 Pm maqribnimo xiliga geeska Afrika 5-arimood oo aad u baahan tahay inaad ogaatid hoos kaga bogo:

#5 Harry Kane wuu soo laabtay wuxuuna diyaar u yahay inuu kulankan si la yaab leh kaga soo muuqdo madaama uu xili hore kasoo kabtay dhaawacii halista ahaa dhanka jilibka ka gaaray todobaadkii labaad bisha Maarso.

<p>

#4 Dhibaatada Dhaawaca Chelsea goolhaye Thibaut Courtois shaki weyn ayaa la galinayaa inuu kulankan adag cayaari karo asigoo dhaawac dhanka muruqa la daala dhacayo hadii uu awoodo waayo inuu safka hore soo galo waxaa lagu badali doonaa Willy Caballero.

E

Andreas Christensen isaga dhaawac fudud ayuu qabaa oo dhanka muruqa ah lamana hubo in kulankaan laga soo bilaabi doono, si la mid ah David Luiz iyo Ross Barkley kulankan dhaawac ayay ku seegi doonaan.

#3 Chelsea Fursad Kale Ma Heesato Champion-ka Kusoo Aado: Waxay noqon doontaa ceeb iyo waji gabax hadii Chelsea ka mid noqon weyso afarta naadi EPL ugu sareyso.

Conte kooxdiisa 5-dhibcood ayay Tottenham ka hooseeyaan si la mid ahna 10-dhibcood ayay Liverpool ka hooseeyaan inkastoo labo kulan Liverpool labadaan koox dheer tahay.

Enter

Sidaa darteed Chelsea fursad kale oo ay Champion kusoo aadi karto malahan inay caawo garaacaan Tottenham sidoo kalena kulan walbo guuleestaan inta xili cayaareedkan ka harsan.

#2 Tottenham Oo Kooxaha Big Six Meel Iska Saartay Xili Cayaareedkan: Waxay garaaceen Liverpool, Manchester United, Arsenal iyo labo jeer oo Everton dhagta dhiiga u dareen.

Sidaa darteed Spurs xili cayaareedkan kooxaha waa weyn meel ayay saarayaan waxayna ciil u qabaan Chelsea oo kulankii hore Wembley 2-1 guusha kaga qaadatay.

Enter c

Si la mid ah tartamada Yurub waxay Spurs garaaceen kooxaha waa weyn Real Madrid iyo Dortmund sidaa darteed Chelsea hadii ay dhibane u noqoto maanta waa wax la filanaayay.