Home Wararka Maanta Zlatan Ibrahimovic oo tababarkiisii ugu horreeyey la qaatay kooxdiisa cusub ee Los...

Zlatan Ibrahimovic oo tababarkiisii ugu horreeyey la qaatay kooxdiisa cusub ee Los Angeles Galaxy

262
0
SHARE

Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dagay Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, isagoo tababarkiisii ugu horreeyey la qaatay kooxdiisa cusub ee Los Angeles Galaxy.

Kooxda Man United ayaa burburisay heshiiskii uu Ibrahimovic kula jiray kooxda si ugu biiro koox cusub, waqti badanna kuma qaadan inuu koox kale ku biiro oo uu durba u saxiixay kooxda Los Angeles Galaxy ee dalka Mareykanka.

Zlatan Ibrahimovic oo u soo ciyaaray kooxo badan oo magac ku leh qaaradda Yurub ayaa haatan u weecday horyaalka dalka Mareykanka ee MLS, halkaasoo la filayo inuu ciyaarihiisa ku soo gabagabayn doono.

Saaxiibadiisa cusub ee ay ka wada tirsan yihiin kooxda Los Angeles Galaxy ayuu maanta tababarkiisii ugu horreeyey la qaatay, iyadoo la filayo inuu durba kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaro kooxdiisa cusub.

Dhinaca kale maaliyadda lambarka 9-aad oo uu Zlatan Ibrahimovic u xiran yahay kooxda Los Angeles Galaxy ayaa lagu iibinayaan suuqayada waa weyn ee dalka Mareykanka.