Home Wararka Maanta Zlatan Ibrahimovic oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Los Angeles…

Zlatan Ibrahimovic oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Los Angeles…

928
0
SHARE

Weeraryahankii hore ee kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa ka dagay Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Kooxda Man United ayaa burburisay heshiiskii uu Ibrahimovic kula jiray kooxda si ugu biiro koox cusub, waqti badanna kuma qaadan inuu koox kale ku biiro oo uu durba u saxiixay kooxda Los Angeles Galaxy ee dalka Mareykanka.

Boqolaal taageerayaal ah ayaa si weyn joog dheeraha reer Sweden ugu soo dhaweeyey dalka Mareykanka markii uu halkaas gaaray.

Zlatan Ibrahimovic oo u soo ciyaaray kooxo badan oo magac ku leh qaaradda Yurub ayaa haatan u weecday horyaalka dalka Mareykanka ee MLS, halkaasoo la filayo inuu ciyaarihiisa ku soo gabagabayn doono.

Ibra ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaro kooxdiisa cusub ee LA Galaxy marka ay Sabtida berri ah la ciyaareyso kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Los Angeles FC.