Home Wararka Maanta YAA IIBSAN KARA? Real Madrid Oo Shaacisay Qiimaha Lagu Iibinayo Gareth Bale

YAA IIBSAN KARA? Real Madrid Oo Shaacisay Qiimaha Lagu Iibinayo Gareth Bale

991
0
SHARE

Manchester United ayaa loo sheegay inay bixiso € 100million haddii ay doonayaan in ay ku celiyaan Premier League xiddiga Real Madrid Gareth Bale.

Majalada Spain ee AS ayaa sheegtay in Real ay ku wargelisay koox kasta oo raadineysa saxiixa Bale xagaagan inaan lagu iibin doonin wax ka yar € 100million oo u dhigma (£ 88m).

Xiddiga reer Wales ayaa Madrid u dhaqaaqay sannadkii 2013kii, waxaana uu heystaa qandaraas ilaa 2022ka ah, laakiin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Real Madrid ay iska iibin doonto.

Bale oo shan sano ka hor ku biiray kooxda ka dhisan caasimada Spain, waxa lagu wadaa inuu dhaqaaqo haddii tababare Zidane sii joogo kooxda xili ciyaareedka soo aadan.

United ayaa isha ku heysay Bale tan iyo markii uu Real Madrid 86 milyan oo ginni kaga biiray kooxda Tottenham.