Home Wararka Maanta XOG: Luis Suarez Oo Gool Ka Dhaliyay 25 Kooxood Oo La Liga...

XOG: Luis Suarez Oo Gool Ka Dhaliyay 25 Kooxood Oo La Liga Ah & Faah-Faahinta Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliya

247
0
SHARE

Luis Suarez ayaa gool ka dhaliyay kooxda Malaga oo ka mid ahayd kooxaha yar ee Luis Suarez  ka ilaashaday shabaqiisa intii uu joogay kooxda Barcelona.

Kadib goolkii uu ka dhaliyay garoonka La Rosaleda xiddiga reer Uruguay ayaa haatan gool ka dhaliyay koox walba oo La Liga ah oo uu ka hortagay tan iyo markii uu kooxda ku biiray xagaagii 2014.

Weeraryahanka ayaa gool ka dhaliyay 25 kooxood oo kala duwan kana mid ah horyaalka heerka 1-aad ee La Liga isaga iyaga oo kooxaha Betis (9), Sporting (8) & Deportivo La Coruña (8) yihiin kooxaha uu goolasha ugu badan ka dhaliyay.

Ka Hor intii uuna goolka ka dhalin kooxda Malaga ayaa 458 daqiiqo u diiday xiddiga in uu gool ka dhaliyo kaliya kooxda Sevilla oo 404 daqiiqo u diiday ayaa ugu dhaw kooxda Malaga.

Kadib goolkii kooxda Malaga Suarez ayaa gool ku dhaliyay garoon kasta oo horyaalka La Liga ah marka laga reebo garoonka kooxda Celta Vigo oo uu fursad u hayso in uu ka dhaliyo todobaadyada soo socda

Halkan Hoose Kaga Bogo goolasha uu ka dhaliyay koox walba oo horyaalka La Liga Ah: