Home Wararka Maanta Xiddig ka tirsan Real Madrid oo qirtay in Messi uu ka fiican...

Xiddig ka tirsan Real Madrid oo qirtay in Messi uu ka fiican yahay Ronaldo – Waa Kee

1369
0
SHARE

Laacib ka tirsan Real Madrid ayaa niyad jabiyay Ronaldo kadib markii uu sheegay inuu ka fiican yahay Lionel Messi.

Da’yarka amaahda uga maqan Real Madrid ee Federico Valverde ayaa daaha ka qaaday inuu rumaysan yahay in laacibka Barcelona uu yahay kan ugu fiican aduunka.

Image result for Federico Valverde

Federico Valverde oo ka qayb galay kulan dhalin yarada dalka Spain ayaa la waydiiyay laacibka fiican Ronaldo iyo Messi, wuxuuna ku jawaabay:

“Labaduba waa kuwa ugu fiican adduunka, laakiin Messi ayaan inbadan doorbidayaa”.

Federico Valverde ayaa la waydiiyay laacibka uu ku daysado, wuxuuna yiri:

“Xiddiga reer Jarmal ee Toni Kroos ayaa ah laacibka aan ku daysado kubadda cagta”.

Federico Valverde ayaa 2016 ku biiray kooxda labaad ee Real Madrid, hal sano kadib 19 jirkaan ayaa amaah ku aaday kooxda Deportivo.