Home Wararka Maanta Xiddig ka tirsan Liverpool oo taageerayaasha kooxda ka raali geliyey bandhiggoodii kulankii...

Xiddig ka tirsan Liverpool oo taageerayaasha kooxda ka raali geliyey bandhiggoodii kulankii shalay guuldarradu ka soo gaartay Man United

276
0
SHARE

Difaaca da’da yar ee kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa taageerayaasha kooxda ka raali geliyey bandhigoodii ay sameeyeey shalay kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford oo ay guuldarrada 2-1 kala kulmeen Manchester United.

19-sano jirkaan ayaan bandhig wanaagsan sameynin kulankaas, isagoo goolkii furitaanka ee laga dhaliyey kooxdiisa jiho qaldan loo diray kaddibna goolka laga dhaliyey.

Labo gool oo uu Reds ugu shubay Marcus Rashford ayaa uga filnaatay inay Man United kaalinta labaad saldhigato, isla markaana ay shan dhibcood ka sare maraan kooxda martida u ahayd oo ku jirta kaalinta sadddexaad.

Alexander-Arnold ayaana kulanka kaddib beegsaday bartiisa Instagram-ka isagoo taageerayaasha Reds kaga raali geliyey bandhiggii kooxda ay sameysay kulankaas.

“Kaliya waxaan rabaa inaan raali-geliyo dhammaan taageerayaasha! Taageeradooda maanta waxay ahayd mid cajiib ah oo waxqabadkayagu ma fiicneyn si aan u helno natiijada aan rabnay. Wax baan ka baran doonaa bandhigan, waxaanan ku soo noqon doonaa xoog. YNWA.” ayuu Alexander-Arnold ku soo qoray bartiisa Instagram-ka.

Kooxda Liverpool ayaa indhaha ku haysa inay ka soo kabsato guuldarradaas marka ay garoonkooda Anfield ku marti gelinayaan Watford Sabtida soo aaddan.