Home Wararka Maanta Weeraryahanka Saudi Arabia ee Mohammad Al-Sahlawi oo tababar la qaadanaya Kooxda Man...

Weeraryahanka Saudi Arabia ee Mohammad Al-Sahlawi oo tababar la qaadanaya Kooxda Man United

1492
0
SHARE

Weeraryahanka xulka qaranka Saudi Arabia ee Mohammad Al-Sahlawi ayaa muddo saddex todobaad ah tababar la qaadan doona kooxda Manchester United.

31-sano jirkaan, kaasoo dhaliyey 26 gool 33 kulan oo uu u ciyaaray xulkiisa qaranka ayaa indhaha ku haya inuu sare isu qaado ka hor Koobka Adduunka ee xagaaga lagu qabanayo dalka Ruushka.

“Waxa uu ahaa heshiis Manchester United ay ku oglaatay in Mohammed Al-Sahlawi uu barnaamijkooda tababarka kula soo biiro muddo saddex Isbuuc ah, Illaah ha caawiyo isaga.” ayuu Turki Al-Sheikh oo ah Guddoomiyaha General Sports Authority (GSA) ee Saudi Arabia ku soo qoray Twitter-ka.

Dib u habeyntani waxa ay qayb ka tahay heshiis ganacsi oo dhex maray kooxda Old Trafford iyo kooxaha isboortiga ee Saudi Arabia, halkaas oo Al-Sahlawi uu u ciyaaro kooxda Al-Nassr.

Bishii October, Manchester United ayaa waxay heshiis isfaham ah la gaartay GSA, taas oo naadiga Manchester uu hormarin doono horumarinta kubadda cagta Sucuudiga, waxaana arrintaasi ay qayb ka tahay qorshaha Saudi Arabia ee 2030.

Qorshahan ayaa waxa uu ka mid yahay Barnaamijka ay Sucuudigu ku beddelayso dhaqaalaha dalkooda, isla markaana ku hor marinayo qaybaha adeegyada bulshada sida uu ku dhawaaqay dhaxal sugaha Sucuudiga Mohamed Bin Salman.

Xulka Saudi Arabia ayaa waxa uu Guruubka A ee Koobka Adduunka Xagaaga kula jiraa marti geliyaha tartanka ee Russia, Egypt iyo Uruguay.